Hay’adda IOM oo ka digtay halista tahriibayaasha isaga kala gudba Soomaaliya & Yemen

0
16

Hay’adda IOM oo ka digtay halista tahriibayaasha isaga kala gudba Soomaaliya & Yemen

Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan loona soo gaabiyo ee IOM ayaa ka digtay halista nafeed ay la kulmayaan dadka isaga kala gudba Biyaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen ee sida tahriibka ah raba in ay ugu sii gudbaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

 

IOM ayaa sheegtay in dadka qaar ay u dhinteen baahi (Cunno la’aan) sabab la xiriirta safarkooda oo waqti badan qaatay, badda oo kacsan iyo sahayda ay wateen oo markii hore aad u yarayd sida ay hadalka u dhigtay Hay’addu.

 

“Todobo ruux oo Itoobiyaan ah ayaa gaajo u geeriyootay” sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, waxaa intaas lagu sii daray “Badbaadin iyo kahortag ayay u baahan yihiin tahriibayaashaan oo naftooda halis galinaya”.