Diyaarad u socotay Hargeysa oo ku burburtay Kenya

0
18

Diyaarad u socotay Hargeysa oo ku burburtay Kenya

Diyaarad nooca fudud oo ay leedahay Hay’adda Samafalka ka shaqeysa ee Amref Fling Doctors oo waday shixnad qalab Caafimaad ayaa ku dhacday guri ku yaalla meel u dhow Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Nooca diyaaradda waa Cessna, waxa uu diiwaankeedu ahaa 5Y-FDM ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha Wilson, saddex daqiiqo markii ay hawada ku jirtay waxa ay lumisay xakamaha iyo isku xirka raadeerka iyada oo ugu dambayn soo dhacday.

6 ruux ayaa la xaqiijiyay in ku dhinteen oo kamid ah dhulka ay joogeen halka 4ta kale ay la socdeen diyaaraddaas isla markaana kala ahaa Dhaqtar, Kalkaaliyaal & Duuliyaha diyaaradda sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Gobolka Kiambu, Henry Wafula.

Ciidamada Difaaca Kenya, Hay’adda Duulista Hawada Dalkaas iyo shacabka deegaanka ayaa iska kaashaday sidii looga hortagi lahaa khasaare kale oo ka dhasha diyaaraddaas dhacday oo burbur xooggan soo gaaray sida halka loo dhigay.

Hay’adda Duulista Hawada Kenya ayaa meesha ka saaray in uu jiro xiriir ay la sameysay diyaaraddaan si ay u diiwaangeliyaan ciladda ku timid ee sababtay in ay soo dhacdo iyada oo ugu dambeyn burburtay.