Somaliland oo sheegtay in xidhiidhkeeda Taiwan aanu dhaawacayn madaxbannaanida Shiinaha
Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in heshiiska badda ee ay dhawaan la gashay jasiiradda Taiwan aanu ka hor imanayn danaha Shiinaha, isla markaana uu yahay heshiis iskaashi oo ku salaysan ilaalinta amniga baddaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in ay Somaliland ka xuntahay haddii Shiinuhu u arkay in heshiiska Taiwan uu khatar ku yahay danihiisa, balse uu heshiisku ku qotomo danaha Somaliland, gaar ahaan dhismaha ciidankeeda badda iyo ilaalinta guud ahaan biyahaheeda.