Amiirka Suuxsana 20 sano oo geeriyooday
Amiirka Sacuudiga ee Alwaleed bin Khalid bin Talal Al Saud, oo loo yaqaannay “Amiirka Hurda,” ayaa geeriyooday, isagoo 35 jir ah, kadib markii uu in ka badan 20 sano ku jiray xaalad suuxdin ah (koma) oo uu galay sanadkii 2005.
Amiirkan ayaa dhaawac maskaxeed halis ah soo gaaray xilli uu arday ka ahaa kulliyadda ciidamada, isaga oo galay shil gaari.
Tan iyo markaas wuxuu ku jiray daryeel caafimaad oo joogto ah, waxaana xaaladdiisa la socday shacabka Sacuudiga iyo guud ahaan dunida Carabta, isagoo astaan u noqday dulqaad iyo rajo caafimaad.
Aabihiis, Amiir Khalid bin Talal, ayaa xaqiijiyay geeridiisa, isagoo qoraal murugo leh ku baahiyay baraha bulshada, Allena uga baryay inuu naxariistiisa siiyo wiilkiisa.
Warar soo baxayay billaawgii sannadkaan ayaa sheegayay in Amiir Alwaleed uu ka soo kacay suuxdinta, balse qoyska boqortooyada Sacuudiga si rasmi ah u shaaciyay geeridiisa.
Geerida Amiir Alwaleed ayaa muujisay rajada qoyskiisa gaar ahaan Hooyadii iyo Aabe ka qabeen inuu in ka badan 20 sano ka soo kaco Suuxdinta.