Markabka Sea World oo maalintii labaad lagu heysto xeebaha Puntland
Maalintii labaad waxaa xeebaha Puntland ku sugan Markabka xamuulka ah ee magacaaba Sea World, kaasi oo ay saaran yihiin Saaanad ciidan oo loo soo waday Muqdisho.
Markabka oo Ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Raas Casayr ayaa galinkii dambe ee shalay ku soo xirtay Dekadda Boosaaso.
Sida ay muujinayaan Muuqaalada aan helnay Markabka waxaa saaraan gaadiidka dagaalka ee gaashaaman iyo hub laga soo qaaday dalka Turkiga.
Weli ma muuqdaan ififaalo lagu sii daynayo Markabka oo Puntland sheegtay in ay saaran yihiin Hub, isla markaasna ay baarayaan.
Waxaa uu qorshuhu ahaa inuu 21 bishaan July markabka yimaado dekadda Muqdisho, si uu u dejiyo shixnada uu sido.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in markabka ku cilladoodabay badda cas, isaga oo soo aaday xeebaha gobolka Bari, halkaasi oo lagu qabtay.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya xaaladda markabka xamuulka ah ee sida saanada ciidan.