Soomaali laga soo tarxiilay dalka Jarmalka oo Muqdisho Laga Soo Dejiyey

0
30

Soomaali laga soo tarxiilay dalka Jarmalka oo Muqdisho Laga Soo Dejiyey

Maalintii Khamiista 10-kii bishan July, 8 qof oo Soomaali ah oo danbiilayaal ah ayaa Jarmalka laga tarxiilay, gaar ahaan magaalada Leipzig ee gobolka Sachsen, waxaana laga dejiyay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

War saxaafadeed uu soo saaray gobolka Bayern ayaa wuxuu ku caddeeyay arrinkaas, wuxuuna sheegay in 6 qof oo kamid ah Soomaalidaasi la celiyay ay gobolka Bayern degnaayeen.

Danbiyada ay kusoo eedeeyeen waxaa kamid ah Isku day dil, kufsi, dhac (boob), dhaawacyo halis ah, iska caabbin ay saraakiisha iska caabiyeen iyo isku day khiyaano iwm.