Madaxweynaha Iiraan oo isku day dil ka badbaaday

0
18

Madaxweynaha Iiraan oo isku day dil ka badbaaday

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda oo shir u socday ayaa ka badbaaday isku day dil oo ay fulisay Israa’iil.

 

Sarkaal Sare oo Dowladda Iiraan oo codsaday in la qariyo magaciisa ayaa sheegay in weerar lala beegsaday madaxda saddexda laan ee dowladda fulinta, sharci-dejinta, iyo garsoorka iyo saraakiil sare, xilli ay u socdeen shirar looga hadlayo xaaladda dalkaasi.

 

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarka la qorsheeyay in lagu afgambiyo dowladda Iiraan, isla markaasna uu dhacay 12 kii maalmood ee uu socday dagaalka Israa’iil iyo Iiraan.

 

Dhaawac fudud ayaa la xaqiijiyay inuu soo gaarey Madaxweynaha Iiraan, isaga ooh adda ay wanaagsan tahay xaaladdiisa Caafimaad.

 

Sidoo kale, waxaa jiray mas’uuliyiin kale oo khasaare kala duwan ka soo gaarey weerarka.

 

Dowladda Iran weli si rasmi ah ugama hadlin cidda ka dambeysay weerarka, balse wuxuu ku soo aaday xilli uu socday dagaalka cusla ee labada dhinac.