Shiinaha “waxaan garab taaganahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed”
Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 65 sano guurada kasoo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnimada heshay.
Fariinta hambalyada ayaa lagu sheegay in sannadkan uu sidoo kale yahay sanad xusuus gaar ah u leh xiriirka labada dal, maadaama uu astaan u yahay 65 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
“Safaaradda Shiinaha waxay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal si loo gaaro mustaqbal wadaag ah oo ifaya,” ayaa lagu yiri qoraalka hambalyada.
Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir ku qotoma iskaashiga dhanka dhaqaalaha, horumarka, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga si kor loogu qaado nolosha shacabka labada dal.