Iiraan “Khasaare sooma gaarin macdanta laga sameeyo Nukliyeerka”

0
32

Iiraan “Khasaare sooma gaarin macdanta laga sameeyo Nukliyeerka”

Dowladda Iiraan ayaa markii u horreysay ka hadashay khasaaraha soo gaarey goobaha lagu keydiyo macdanta laga sameeyo Hubka Nukliyeerka.

 

Afhayeen u hadlay ururka tamarta Atomiga ee Iran ayaa sheegay in khasaare xadidan una badan burbur uu soo gaarey goobaha Kobcinta macdanta laga sameeyo Nukliyeerka.

 

“Waxaa jiray burbur xaddidan oo soo gaaray meelaha qaar, waxaan goobta ka saarnay qalabka iyo agabka, mana jirin waxyeello soo gaartay macdanta” ayuu yiri Afhayeenka.

 

Dhinaca kale, Iiraan waxaa ay sheegtay in ay sii wadi doonto gantaallada ay la bartilmaameydsaneyso gudaha Israa’iil, kuwaasi oo dhaliyay khasaare soo gaarey rayid iyo ciidan.