Ruushka oo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaaday Ukraine
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 21 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday oo lagu qaaday Ukraine.
Weerarkan oo kamid ah kuwa ugu waawaynaa ee loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayeey Ruushku ku qaadeen magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, sida uu sheegay duqa magaaladaasi.
Ihor Terekhov ayaa sheegay in dhismayaal badan oo ah kuwa deegaanka la duqeeyay ka dib markii Ruushku uu magaalada ku soo riday ku dhawaad 50 diyaaradood oo aan duuliye lahayn.