Duqa cusub ee Muqdisho oo maanta xilka la wareegaya
Waxaa maanta la filayaa in uu si rasmi ah xilka ula wareego duqa cusub ee Muqdisho, Xasan Xuseen Mungaab, kadib markii uu dhawaan loo magacaabay xilkaas.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhici doonta xarunta dowladda hoose ee gobolka Banaadir, waxaana la filayaa inay ka soo qaybgalaan masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre.
Xasan Xuseen Mungaab oo xilkan loo magacaabay 28-kii May 2025, ayaa beddelaya guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir. Mungaab ayaa hore xilkaan u soo qabtay sanadkii 2014, waxaana shacabka Muqdisho ay ka filayaan isbeddel muuqda, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarinta muuqaalka magaalada.
Waxaa la saadaalinayaa in duqa cusub uu la imaan doono qorsheyaal cusub oo lagu xoojinayo ammaanka caasimadda, lana hagaajinayo adeegyada ay shacabka u baahan yihiin sida nadaafadda, biyaha, waddooyinka iyo helida Maqaamka magaalada Muqdisho.