Elon Musk oo dhaliilay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

0
148

Elon Musk oo dhaliilay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump

Elon Musk oo ah ninka lacagta badan dunida lehna shirkadaha Tesla iyo SpaceX ayaa dhaliilay miisaaniyad cusub oo ay diyaariyeen Maamulka Madaxweyne Trump.

 

Musk oo dhowaan iska casilay xil uu ka hayay Maamulka Trump ayaa qoraallo uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in miisaaniyaddan ay tahay mid xun, kuna jiraan waxyaabo aan muhiim ahayn.

 

Wuxuu yiri: “Waan ka xumahay, laakiin ma sii aamusi karo. Miisaaniyadda cusub waa mid lacag badan lagu bixinayo wax aan muhiim ahayn. Waa ceeb. Kuwii u codeeyay way og yihiin inay khaldeen.”

 

Musk ayaa sheegay in miisaaniyaddan cusub ay kordhin doonto deynta Mareykanka, taasoo khatar ku noqon karta dhaqaalaha mustaqbalka.

 

Elon Musk, oo mar hore xiriir wanaagsan la lahaa Trump, hadda wuxuu si cad uga soo horjeestay qorshayaashiisa. Arrintan waxay muujinaysaa in khilaaf soo kala dhex galay Maalqabeenka iyo Madaxweyne Trump.