Acmaasha Xajka oo maanta si rasmi ah u billaabaneysa

0
50

Acmaasha Xajka oo maanta si rasmi ah u billaabaneysa

Waxaa maanta si rasmi ah u bilaabanaya acmaasha Xajka, iyada oo kumanaan muslimiin ah ay ku sugan yihiin dhulka Barakeysan.

 

Xujeydu waxay u socdaali doonaan Mina oo qiyaastii 7 km dhanka waqooyi bari kaga beegan Masjidka Xaramka.

 

Halkaas ayay ku cibaadeysan doonaan xujeyda, iyaga oo ku dukan doona Duhur, Casir, Maqrib, Cishaa iyo Fajarka.

 

Maalintan 8-aad waa Yawm al-Tarwiyah, xujeyda waxaa ay isku diyaariyaan safarka Carafa oo la istaagi doono 9 bisha Dulxaj.

 

Buurta Carafo ayay istaagi doonaan Xujeyda, halkaasi oo ay ku duceysan doona.

 

Sidoo kale, waxaa sii xigi doona Maalmaha ciida Adxa oo dhammaan Muslimiinta caalamka isku diyaarinayaan.