Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay in uu ka tagayo kooxda Al Nassr

0
57

Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay in uu ka tagayo kooxda Al Nassr

Cristiano Ronaldo ayaa si qarsoodi ah u muujiyay in uu ka tagayo kooxda Al Nassr kadib markii uu baraha bulshada ku soo qoray “Cutubkan wuu dhammaaday,” isagoo xiran funaanadda kooxda Al Nassr, taasoo dhalisay tuhun weyn.

Qoraalkan ayaa yimid saacado un kaddib markii uu dhamaaday horyaalka Saudi Pro League, halkaasoo kooxda Al Nassr ay ku dhammaysatay kaalinta saddexaad.

Ronaldo, oo 40 jir ah, ayaa ku biiray Al Nassr sanadkii 2022 isagoo ka yimid Manchester United, wuxuuna noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka isagoo dhaliyay 24 gool xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, kooxda Al Nassr ma aysan ku guulaysan inay ka qeyb gasho Club World Cup, halka Al Hilal ay si rasmi ah uga mid noqotay.
Waxaa furmaya suuqa kala iibsiga oo soconaya 1-da ilaa 10-ka Juun, kaas oo loogu ogolaanayo ciyaartoyda qaar in ay ku biiraan kooxaha ka qeyb galaya Club World Cup.

Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada uu Ronaldo uga qeyb gali karo tartanka isagoo matalaya koox kale.
Inkasta oo kooxda Al Nassr aysan ka mid ahayn kooxaha ka qeyb galaya Club World Cup, hadal haynta ayaa isa soo taraysa kaddib markii la shaaciyay in kooxo kale oo tartanka ka qeyb galaya ay xiiseynayaan saxiixa Ronaldo.