Soomaaliya oo maanta marti galineysa Ciyaartoy caalami ah
Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u martigelin doonta wafdi heer sare ah oo ka socda xiriirrada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, FIFA iyo CAF, kuwaasoo casuumaad rasmi ah ka helay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.
Wafdigan waxaa qeyb ka ah halyeeyo caan ka ah kubadda cagta Qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin: Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha.
Halyeeyadan Afrikaan ah waxay kulan saaxiibtinimo ku dheeli doonaan garoonka Muqdisho Stadium, iyadoo ay wada ciyaari doonaan halyeeyada xulka qaranka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka soo muuqan doona xiddigo laga soo xulay xulka qaranka, iyo ciyaartoy ajaanib ah oo ka ciyaara horyaalka gudaha Soomaaliya, kuwaasoo ay hoggaaminayaan halyeeyada Afrika.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankani muujinayo Amniga iyo soo kabashada dalkeena Hooyo oo muddo aan lagu dhiira jirin in ay ka dhici karaan kulamo caalami ah.