Guddiga Fulinta ee Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta yeeshay shir muhiim ah oo lagaga wadahadlay arrimo kala duwan.
Shirkan oo uu hagayey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen dhammaan xubnaha hoggaanka xisbiga, isla markaana ay ka qaybgaleen inta badan Guddiga Fulinta Xisbiga, waxa lagaga wadahadlay qodobo door ah oo isugu jiray arrimaha xisbiga gudihiisa, xaaladaha guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, siyaasadda Arrimaha Dibadda ee u muuqata mid xukuumaddu ka gaabisay shaqadeedii iyo qodobo kale.
Doodo iyo falanqayno dhaadheer kadib waxa isla qaatay in xisbigu xaaladaha taagan si faahfaahsan uga hadlo maalmaha soo socda.
Geesta kale, shirka Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE lagagama hadal, lagumana soo hadal-qaadin arrimo la xidhiidha ciidammada iyo mushaharkooda toona. Saxaafadda madaxbannaani ha iska hubsato wararka ay baahinayso.