Ruush oo xukumay gabar yar oo mucaaraday dagaalka Ukraine

0
21

Ruush oo xukumay gabar yar oo mucaaraday dagaalka Ukraine

Maxkamad ku taalla Ruushka ayaa ku ridday xukun xabsi ah oo ku dhow saddex sano Daria Kozyreva, gabadh u ololeysay nabadda oo 19 jir ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira sumcad dil joogto ah oo ay ku hayso ciidamada dalkaas.

Kozyreva ayaa loo haystaa isticmaalka gabayo qarnigii 19-aad, qoraallo iyo wareysi ay siisay Sever Realii oo ah barnaamij ka baxa Radio Free Europe.

Mucaaradnimada dagaalka waxay gabadhan billaawday markii u horreysay bishii December 2022, xilligaas oo ay jirtay 17 sano, ereyada iyo farshaxanka ay baahisay waxaa kamid ahaa “Dilayaal, idinka ayaa qarxiyey, Yuhuudo khiyaano badan,”.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ficillada Kozyreva ay si cad u hoos u dhigeen sumcadda ciidamada Ruushka, xilli dalkaas uu cadaadis xooggan saarayo dhammaan dadka ka hor yimaada dagaalka Ukraine.