Faransiiska oo ku dhawaaqay in dhawaan aqoonsan doono Falastiin

0
34

Faransiiska oo ku dhawaaqay in dhawaan aqoonsan doono Falastiin

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu qorsheynayo inuu aqoonsado dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah bilaha soo socda, isagoo xusay in tallaabadan si rasmi ah loogu dhawaaqi karo shir heer caalami ah oo lagu qabanayo New York bisha Juun, kaas oo looga hadlayo dagaalka Falastiin iyo Israa’iil.

 

“Waa inaan u dhaqaaqnaa dhanka aqoonsiga, waxaana sidaas samayn doonaa bilaha soo socda,” ayuu Macron ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka France 5.

 

“Tillaabadaasi waxaan u qaadeyna waa arrin sax ah waqtigaan, sidoo kalena waxaan rabaa inaan ka qeyb qaato dhaqdhaqaaq iskaashi oo ballaaran, kaas oo u oggolaanaya cid kasta oo Falastiin taageerta inay iyaguna aqoonsadaan Israa’iil.” ayuu yiri Macron.

 

Faransiiska ayaa doonaya inuu door fiican ka ciyaaro dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil, iyada oo la raadinayo laba dowladood daris ah in ay noqdaan.