Doomo ay la socdeen 186 ruux oo lagu waayay biyaha u dhaxeeya Jabuuti & Yemen

0
20

Doomo ay la socdeen 186 ruux oo lagu waayay biyaha u dhaxeeya Jabuuti & Yemen

Afar Doon oo ay la socdeen Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Itoobiyaan isla markaana ay wehliyaan naaquudayaal Yemeniin ah ayaa lagu waayay Biyaha u dhaxeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Yemen sida ay ku xog-warrameen saraakiil katirsan Hay’adda IOM.

Ugu yaraan labo qof ayaa dhintay halka la waayay 186 ruux oo dhammaantood ahaa Dadkii la socday 4taas Doon iyaga oo doonayay in ay aadaan xeebaha Jamhuuriyadda Yemen oo ay uga sii gudbi rabaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya sida xogaha ay muujinayaan.

Afhayeen u hadlay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Socdaalka ee IOM loosoo gaabiyo ayaa sheegay in loo badinayo dadka la waayay in ay dhinteen maadaama saacado badan ay ku jiraan biyaha Badda inkasta uusan ku dhiiran xaqiijintooda.

Madaxa Hay’adda IOM ee Yemen ayaa dhankiisa sheegay in ay heleen xogtaan kaddibna ay ku dhaqaaqeen baaritaanno xooggan oo lagu baadigoobayo dadkaas si loosoo badbaadiyo haddii ay dhacdo in nolol lagu gaaro.

“Waxa aan wadnaa dedaalka lagu soo badbaadinayo Dadkaan maqan, xaqiiqdii aad ayaan uga welwelsanahay maadaama afar doon ay la socdeen ay degeen, ilaa xaqiiqada aan ka salgaarno waan wadaynaa baarista socota” Ayuu yiri Madaxa IOM ee Yemen.

Dadka ugu badan ee u tahriiba Yemen waa Itoobiyaan iyo Soomaali balse tuhunkaan laguma muujin ay Soomaali ku jirto sida lagu muujiyay wararka hordhaca ah ee laga helayo Yemen iyo Jamhuuriyadda Jabuuti inkasta oo ay socdaan baaritaannada xogtooda.