Cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo u soo gudbay xadka Soomaaliya

0
22

Cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo u soo gudbay xadka Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca Itoobiya in ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya gaar ahaan dhanka xuduudka magaalada Feerfeer.

 

Xogaha aan helayno ayaa tilmaamaya in ciidamada ka socda Itoobiya ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya deegaannada maamulka Hirshabeelle.

 

Sidoo kale, waxaa ay ciidamada tagi doonaan deegaannada uu dagaalka ka soconayo ee gobolka Shabeellada Dhexe.

 

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Militeriga Itoobiya, kaasi oo la xiriira ciidamada yimid gudaha Soomaaliay.

 

Itoobiya ayaa qeyb ka ah howlgalka AUSSOM ee dhawaan ka billaawday Soomaaliya, waxaana meesha ka baxay khilaaf muddo u dhaxeeyay labada dal kaasi oo salka ku hayay heshiiskii Somaliland.