Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Kordhiyay Xayiraadihii saarnaa AS iyo Dhoofinta Dhuxusha

0
19

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Kordhiyay Xayiraadihii saarnaa AS iyo Dhoofinta Dhuxusha

Kulan ay yeesheen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa waxaa lagu kordiyay cunaqabateynnada la xiriiray dhoofinta hubka iyo dhuxusha ee saarneyd Al-shabaab.

Qaraar loo dhan yahay ayay 15-ka xubnood ee Goluhu ayay ku kordhiyeen cunaqabateynta hubka ee saaraan Alshabaab, looguna hortago weeraro ay ka geysteen Geeska Afrika.

Qaraarkan ayaa siinaya Dawladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay awood ay ku qabtaan oo ay ku baaraan maraakiibta looga shakisan yahay in ay hub ama dhuxul sharci darro ah ku safrinayaan biyaha Soomaaliya iyo guud ahaan aagga badda oo dhan, oo ay ku jiraan Badda Carabta iyo Gacanka Faaris.

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Mamnuucidda Qaramada Midoobay ee 2012 ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ayaa looga golleeyahay in la gooyo ilaha dhaqaale ee aasaasiga ah ee Al-Shabaab, iyada oo ay xayiraaddan baabi’ineysa warshadihii dhuxusha ee Soomaaliya.

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan hadda saarneyn cunaqabateynta hubka ee ka dhalatay go’aankii Golaha Ammaanka ee 2023-ka ee ahaa in xayiraadaha laga qaado ciidamadeeda ammaanka, ayaa waxaa weli sii soconeysa cunaqabateynta hubka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. ilaa 13-ka Bisha Disember ee sannadkaan 2025.