Sidee ayuu u dhacay Dagaalka afka ah ee Trump & Zelensky ugu dambeyn ay ku kala tageen?

0
32

Sidee ayuu u dhacay Dagaalka afka ah ee Trump & Zelensky ugu dambeyn ay ku kala tageen?

Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky oo tagay Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayaa la kulmay Madaxweyne Donald Trump iyo ku xigeenkiisa JD Vance, waxa uu wajahay dood adag oo isugu dhiidhiibeen labadaas mas’uul ee ugu sarreeya Xukuumadda Washington.

Laba arrin ayuu kulankaas xambaarsanaa waxa ay kala ahaayeen:

1-Trump oo doonaya in uu Ukraine ka saxiixdo heshiis dhinaca Maamulka Macdanta ah isaga oo usoo maraya diblumaasiyad ku dhisan in Washington ay dedaal badan gelisay sidii Kyiv isaga difaaci lahayd dhiggeeda Moscow.

2-In uu liido awoodda Ukraine kana dhigo Dal sida uu doonno uu ka sameyn karo mar haddii uu isku dhiibi lahaa Zelensky sida qorshaha uu ahaa, arrintaan waxaa ka horreeyay in wadahadalkii Ruushka iyo Maraykanka laga reebay hoggaamiyaan.

Volodymr Zelensky ayaa sal adeeg muujiyay, waxa uu muuqaalka kasoo muuqday isaga oo la murmaya Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Vance iyada oo markii dambe uu hadalka la wareegay Donald Trump oo muranku sii dheeraaday.

Trump ayaa adeegsaday ereyo bahdil ah sida uu dhaho “Ma waxa aad rabtaa in aad dadka Ukraine jidadka ka qabatid una adeegsatid dagaalka” iyo “Waxa aan ka shaqeyneysaa dagaalka saddexaad ee Adduunka” & ereyo kale oo adag luuqad ahaan.

Markii dambe Madaxweynaha Ukraine ayaa laga saaray Aqalka Cad ee Maraykanka sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Madaxweyne Donald Trump, waxaa soo daba dhacay go’aan kale oo la xiriira in aanay Zelensky markale la siin doonin fursad kale.

Waxaa jira dhinacyo badan oo ka falceliyay bahdilkaan uu ka badbaaday Madaxweynaha Ukraine oo kolkii hore Maraykanka uu faraha u geliyay dagaalka uu la galay deriskiisa Ruushka kuna daawaday colaaddaan ku waqti dheeraatay.