Dalalka Islaamka oo caawa laga raadinayo curashada Bisha Ramadaan
Dalalka Islaamka ayaa gabbal-dhaca Jimcaha maanta ah laga raadinayaa bilashada ama curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan si haddii loo arko berri u noqoto maalin Soon haddii la waayana la dhammeystiro 30Ka Shacbaan.
Wasaaradaha Arrimaha Diinta ee Dalalka Islaamka ayaa diyaariyay guddi si gaar ah u xaqiijiyo hubinta iyo raadinta bisha Barakeysan ee Ramadaan si ay ugu dhawaaqaan berri in ay tahay Maalin Soon iyo in kale.
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa diyaarisay qalab casri ah oo inta badan lagu raadiyo bilaha gaar ahaan Soonka iyo Soon-furka oo marka guddigaas uu helo lagu dhawaaqo ama xiliga la waayo lagu go’aan qaato.
Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay guddi culimo ah oo Warbaahinta Dowladda soo fadhiisan doonna Salaadda Maqrib kaddib si uu guddigaas u raadiyo Dadka arkay.
Marka ay xaqiijiso curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ku dhawaaqi doontaa in berri oo sabti ah noqon doonto Maalinta 1aad ee Soon, haddii la waayo isla guddigaan ayaa shaacin doonno in la dhammeystiri doonno 30ka Shacbaan.