Trump oo weerar afka ah ku qaaday Zelenskyy, kuna tilmaamay “Kaligii Taliye

0
60

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Zelenskyy, kuna tilmaamay “Kaligii Taliye

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ku eedeeyay in uu yahay “kaligii taliye aan doorasho qaban,” kadib markii Zelenskyy uu Trump ku dhaliilay inuu ku dhawyahay Ruushka.

 

Trump, oo todobaadkii hore si lama filaan ah khadka telefoonka ula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la rumeysan yahay inuu waday dadaallo la xiriira sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Hase yeeshee, arrintaasi ma aysan qancin Zelenskyy, kaasoo muujiyay walaac ah in Trump uu doonayo xal u janjeera dhinaca Moscow halkii uu Kyiv ka ilaalin lahaa cadaadiska Ruushka.