Dowladda Ingriiska ayaa Mr Charles King u magacawday Safiirkeeda Soomaaliya, ka dib war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi.
Mas’uulkaan ayaa badali doona bedelaya Mr Michael Nithavrianakis oo muddo sannado ah ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya.
“Mr. Charles King ayaa loo magacaabay Safiirka Boqortooyada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo bedelaya Mr Michael Nithavrianakis” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK.
Safiirka cusub ayaa waxaa la filayaa inuu xilka la wareego bisha May ee sannadka 2025.