Xamaas oo Maydadka Maxaabiis Israa’iil ah ku furaneysa boqolaal Falastiiniyiin ah oo xiran

0
38

Xamaas oo Maydadka Maxaabiis Israa’iil ah ku furaneysa boqolaal Falastiiniyiin ah oo xiran

Xamaas ayaa sheegtay in sabtida oo ku beegan 22ka Febaraayo 2025 ay wareejineyso 10 maxbuus oo Israa’iil kasoo afduubatay, wareejintaan way ka duwan tahay sidii hore maadaama 4 kamid ah ay ku dhinteen duqeynta Yuhuudda ay ku garaaceen Magaalada Gaza.

6da kale ee Maxaabiista ah ee kale waa ay badqabaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Xamaas oo faah-faah ka bixiyay liiskooda, waxaana lagu wareejin doonnaa kuwa nool iyo kuwa dhintayba Hay’adda Laanqayrta Cas.

Ilaa haatan Waxa ay Xamaas sii deysay 19 qof oo dhalashooyin kala duwan kula lamaanan tan Israa’iil iyada oo madaxooda lagu furtay 1,100 oo Shacab Falastiiniyiin ah kuwaas oo goobo kala duwan ay kasoo qafaasheen ciidanka Yuhuudda.