Dab khasaara maaliyadeed dhaliyay oo ka kacay Suuq Bacaad

0
49

Dab khasaara maaliyadeed dhaliyay oo ka kacay Suuq Bacaad

Suuq Bacaad oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho ayaa qayb kamid ah waxaa barqonimadii maanta ka kacay dab dhaliyay khasaara maaliyadeed oo ilaa haatan aan tirakoob rasmi ah lagu sameyn inta uu gaarsiisan yahay.

Qaar kamid ah dhismaha Suuqa ayaa gubtay, waxaa markii dambe loo sameeyay gurmad degdeg ah sida in la damiyo, in la badbaadiyo hantida uusan gaarin Dabkaas iyo in laga shaqeeyo sidii loo ilaalin lahaa goobaha kale ee Ganacsi.

Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, Dabka ayaa gubay mid kamid ah Goobaha Ganacsiga oo qaarkood la maqlayay dhawac xooggan oo lagu sheegay in uu ka dhashay saliid iyo dhalooyin halkaas yaallay oo dabku gaaray.