MW William Ruto oo sheegay in Kenya ay xoogga saareyso dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

0
20

MW William Ruto oo sheegay in Kenya ay xoogga saareyso dagaalka ka dhanka ah ‘AS’

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah ‘AS’ oo laga fulinayo Ismaamulka Mandheera, waxa uu Maamulka iyo Bulshada Ismaamulkaas usoo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan howlgalkaan.

William Ruto ayaa sheegay in afduubkii shanta xubnood looga dan lahaa in lagu baajiyo safarkii uu Talaadadii ku tagay Ismaamulka Mandheere balse aanay u suuragalin sidii ay damacsanayd ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda ayuu sheegay in ay maalgelin doonto qorshaha lagu sugayo amniga Deegaannada dhaca Waqooyiga Dalkaas, waxa uu isla xisaabtan & ciqaab ugu goodiyay Dad uu ku tilmaamay in ay dambiyo kala duwan ka galeen Kenya.