Xeendaabka Xabsiga Sednaya oo laga baadigoobayo Maxaabiis u xirnayd Bashaar Al-Asad

0
61

Xeendaabka Xabsiga Sednaya oo laga baadigoobayo Maxaabiis u xirnayd Bashaar Al-Asad

Dalka Suuriya waxaa ka socda baadigoobka Dad la waayay xogtooda kuwaas oo dadkooda ugu war dambeysay iyada oo ay xirteen Ciidamadii ka amar-qaadanayay Madaxweynihii awoodda looga tuuray ee Bashaar Al-Asad.

Xabsigaan oo indhaha caalamka soo jiitay kaddib isbaddelkii uu galay Dalkaan Carbeed ee Suuriya, maamulka awoodda la wareegay ayaa abaalmarin lacageed usoo bandhigay qof weliba oo sheega goobaha lagu xiray Maxaabiista xogtooda la waayay.

Kooxo wata qalabka wax lagu qodo ayaa marba dhinac ka jebinaya xeendaabka Xabsigaan uu ku yaallo si ay u helaan godad dhulka hoostiisa ah oo lagu xiray Dadkaan muddadii uu Suuriya maamulayay Madaxweynihii Dadkiisa ciqaabta daran mariyay ee Bashaar.

Mid kamid ah dhacdooyinka indhaha lagu qabtay waxaa kamid ah kaddib markii la qoday god aan aad u dheereen oo lagu arkay Nin argagax ka muuqdo oo indhihiisu ka muuqato cabsi weyn, waxa uu la yaabay Dad badan ee dul taagnaa.

Muddo ayay qaadatay in loo sheego in la riday Maamulkii Xabsiga geliyay, ciqaabta ka badatay darteed ayuu xitaa aamini waayay Dadkii u yimid iyada oo riyo la noqotay waxa ay indhihiisu qabanayaan maadaama uusan heyn xogta isbaddelka ka dhacay Dalkiisa.

Xabsiga Militariga ee Sednaya ee lagu ciqaabi jiray Maxaabiista uu xiray Maamulkii Al-Asad ayaa loo baahday in baaris dheeraad lagu sameeyo si xog badan halkaas looga helo, waxaa kale oo lagu qorayaa diiwaanka Xabsiyadii ugu darnaa ee kaligood talisku dadku ku dhibaateen.