Somaliland oo dagaallada ka socda Qorilugud ku tilmaamay kuwo lagu carqaladeynayo Doorashada

0
79

Somaliland oo dagaallada ka socda Qorilugud ku tilmaamay kuwo lagu carqaladeynayo Doorashada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa lagu faah-faahiyay dagaallada ka socda deegaanka Qorilugud ee u dhaxeeya Degmooyinka Buuhoodle & Burco ee Gobolka Togdheer Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamo katirsan Maamulka Somaliland & Kuwa deegaanka waxa uu salkiisu yahay kacdoon ka dhashay dhibaatooyin lagu eedeeyay in ay geysteen ciidamo katirsan Maamulkaas sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa dagaalladaas ku tilmaamtay in lagu carqaladeynayo Doorashada la filayo in ay dhacdo bartamaha Bishaan, waxaana ay eedeyn culus u jeedisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyinka ka dhici kara deegaannada Maamulkaas, xubnaha mucaaradka ah ee isbaddel doonka ah ayaa Xukuumadda Muuse Biixi ku dhaliilay hurinta dagaallada.

Dagaalka oo galay maalintii labaad waxaa ka dhashay khasaara isugu jira Dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti, dadka deegaanka ayaa billaabay in ay isaga barakaceen guryahooda si aanay waxyeello uga soo gaarin dagaalladaas socda.

Weli tiro koob rasmi ah lagu sameyn dhimashada iyo dhaawaca inta uu gaarsiisan yahay inkasta oo ay jiraan qiyaas laga tusaale qaadan karo Dadka la geeyay goobaha Caafimaadka si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray.

La soco wixii kasoo kordha