Dal ka tirsan Yurub oo wajahaya xaalad halis ah kadib roobab xooggan oo ka da’ay

0
24

Dal ka tirsan Yurub oo wajahaya xaalad halis ah kadib roobab xooggan oo ka da’ay

Dadaallad samatabbixinta ayaa socda iyadoo Spain ay wajahayso musiibadii ugu darneyd ee daadad muddo tobanaan sano ah, iyadoo ugu yaraan 95 qof la xaqiijiyay inay dhinteen tobanaan kalena la la’yahay ka dib markii roobab xooggan ay ku dhufteen gobolka bari ee Valenica iyo meelo kale.

Roobab dabaylo wata oo da’aya dalkaas ayaa dhaliyay daadad kuwaas oo qaaday buundooyin iyo dhismayaal dadkana ku qasbay in ay fuulaan saqafyada sare ama ku dheggan geedaha si ay u badbaadaan.

Raiisel wasaare Pedro Sánchez ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah iyadoo xaaladaha ba’an ee ka dhalanaya musiibadaan ay sii socdaan, taasoo xaddidaysa dadaallada samatabbixinta qaarkood.

Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay kororto maadaama “ay jiraan dad badan oo la la’yahay”, sida dowladdu sheegtay.