RW Britian Iyo Xaaskiisa Oo loo Heysto Hadiyado ay Qaateen

0
23

RW Britian Iyo Xaaskiisa Oo loo Heysto Hadiyado ay Qaateen

RW Britain Sir Keir Starmer, Raiisel wasaare ku xigeenka Angela Rayner iyo Wasiirka maaliyadda Rachel Reeves ma aqbali doonaan wax deeq ah oo dhar ah ka dib markii buuq uu ka dhashay hadiyado dhar ah oo ay heleen sida laga soo xigtay ilo Downing Street ka tirsan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay dhaleeceyn isa soo tareysa ka dib markii ay soo baxday in uu qaatay in ka badan £16,000 oo ah dharka shaqada iyo muraayadaha qaaliga ah ee indhaha iyo deeqo kale oo uu xaaskiisa ugu deeqay taasoo uu ka helay saaxiibkii Labour-ka ee Waheed Alli.

The Financial Times ayaa soo warisay, in Rayner iyo Reeves ay ku dhawaaqeen kumanaan gini dhar qiimahiisu yahay oo dhar shaqo ah oo ka yimid deeq-bixiyeyaasha hodanka ah inay yihiin taageero guud.oo dharka shqada ah Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku adkaystay inuu mar walba raacayo xeerarka deeqaha.

Labour-ku waxa ay isku dayayaan iany ka hortagaan inay khilaaf ka dhex abuurto iyada oo xisbigu ku wajahan yahay Liverpool shir sannadeedkiisii ​​ugu horreeyey tan iyo markii uu ku guulaystay doorashadii guud ee bishii Luulyo.