Ugu yaraan 64 qof oo ku dhintay Wabiga Gobolka Zamfara ee Dalka Nigeria

0
29

Ugu yaraan 64 qof oo ku dhintay Wabiga Gobolka Zamfara ee Dalka Nigeria

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Kooxaha Gurmadka ee Dalka Nigeria, ugu yaraan 64 qof ayaa geeriyootay halka la raadiyo in ka badan 10 kale kaddib markii doon ay la socdeen Dadkaan ay ku rogmatay Biyaha Wabiga Gobolka Zamfara ee Waqooyi Galbeed Dalkaas.

Dadkaan ayaa la sheegay in ay isaga kala gudbayeen tuulooyin socodkooda muhiim u ah adeegsiga Doomaha waana tan keentay in si xad dhaaf ah Dadkaan u raacaan isla markaana naaquudaha uu awoodi waayay in uu Xakameeyo.

Marka uu soo dhacay warkaan kaddib waxaa la sameeyay baadigoobka Dadkii la socday Doonta oo qaarkood lagu guuleystay in lasoo badbaadiyo iyaga oo nool halka qaar kale lasoo qabtay iyada oo nafta ka baxday sida ay xaqiijiyeen kooxaha gurmadka.

Dadka lasoo badbaadiyay waxa ay gaarayaan 70 qof, qaarkood ayaa galay xaalad miir-daboolan ah oo waxaa lagu baxnaaninayaa mid kamid ah Goobaha Caafimaadka, in badan oo kamid ah Dadka dhintay ayaa awoodi waayay in ay dabaal uga baxaan Biyaha Wabiga.

Nigeria waxa uu safka hore uga jiraa Dalalka Afrika ee inta badan dhibaatadu Dadkooda kasoo gaartay safarka Biyaha Wabiga iyo Harooyinka, waxaa loo sababeeyaa in aanay jirin cid si buuxda isugu dheelitirto miisaanka Dadka iyo qaadka Doomaha.