Faysal Waraabe oo codsi ka dhan ah Soomaaliya diray

0
67

Faysal Waraabe oo codsi ka dhan ah Soomaaliya diray

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee ka jira deegaannada maamulka Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in khalad weyn ay aheyd in dowladda Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii dhinaca hubka ah ee muddo dheer saarneyd.

Qoraal uu soo dhigay Faysal Cali Waraabe barta uu X ku leeyahay ayuu ku sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay in ay qirto in ay khalad weyn aheyd in Soomaaliya xilligan laga qaado cunaqabateyntii dhinaca hubka.

Faysal Waraabe ayaanba ugu baaqay Qaramada Midoobay in dib Soomaaliya loogu soo celiyo cunaqabateyntii hubka ee horey u saarneyd, si looga hortago in hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya soo galay u gubin gobolka oo dhan.

“Qarammada Midoobay waa inay qirtaa inay khalad ahayd in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, waana in dib loo soo celiyaa cuna-qabataynta hubka; ka hor inta aanu hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya gubin gobolka oo dhan.” ayuu yiri Faysal Waraabe.

Hadalkan kasoo yeeray Feysal Waraabe ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor hub tiro badan oo sifo sharcodarro ah dalka lagu soo galiyay dad shacab ah ku boobeen degmada Caabudwaaq duleedkeeda, waxa uuna hubkaasi abuuray hadal heyn badan iyo kala shaki.