Dibed-baxyo cusub oo dib uga bilowday Kenya & Ruto oo

0
31

Dibed-baxyo cusub oo dib uga bilowday Kenya & Ruto oo

Dibadbaxyada looga horjeedo dowladda Kenya ayaa dib ugu soo noqday wadoyinka iyagoo sare u qaaday dalabkooda ah in madaxweyne Ruto xilka ka dego.

Hal qof ayaa ku dhintay dibadbaxa looga horjeedo dowladda oo ka dhacay meel u dhow magaalada Nairobi.

Waxaa la sheegay in boolisku toogteen ninka kaddib markii ay iska-hor’imaadeen. Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in dowladda ay qaadato mas’uuliyadda dadkii ku geeriyooday dibadbaxayadii looga horjeeday canshuuraha.

Waxay ku baaqeen in dacwad lagu soo oogo saraakiisha booliska iyo in uu iscasilo madaxweyne William ruto.

Mr Ruto ayaa ku eedeeyay ururka Ford ee fadhigiisu yahay Mareykanka in ay maalgelinayaan dibadbaxayadan. Ururka Ford way beeniyeen arrintaas

Bartamaha Nairobi waxaa la xiray dukaamada iyadoo boolisku adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadka dibadbaxaya.