Isra’il oo warqado cusub ku daadisay magaalada Gaza

0
49

Isra’il oo warqado cusub ku daadisay magaalada Gaza

Ciidamada milatariga Isra’il ayaa warqado digniino ah ku daadiyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna milatariga ku amrayeen dadka degan qeybo kamid ah magaaladaasi in ay si deg deg ah isaga baxaan.

Milatariga Isra’il ayaa ku amray shacabka Falastiin in isaga baxaan qeybo badan oo kamid ah magaalada Gaza una barakacaan dhinaca dhinaca waqooyi, waxa ayna Isra’il sheegeen in ay bilaabayaan guluf cusub oo ka dhan ah Xamaas.

Warqadaha Isra’il daadisay ayaa loogu sheegay dadka ku nool magaalada Gaza, in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.

Ciidamada Isra’il ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo arxandarro ah ku garaacayay qeybo kamid ah magaalada Gaza, waxa ayna Isra’il mar kale dooneysaa in ay xoojiso duqeymaha iyo weerarada kale ay ka wadaan magaalada Gaza.

Ammarkan kasoo baxay milatariga Isra’il ayaa kusoo aadaya xilli la sheegay in ay si hoose u socdaan wadahadallo la doonayo in xabbad-joojin lagu gaaro, si labada dhinac ee Xamaas iyo Isra’il isku dhaafsadaan maxaabiis hor leh.