Dab khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Diridhaba

0
54

Dab khasaaro geystay ayaa saaka abaaro 8-da subaxnimo ka kacay suuqa weyn Alshaawa ee magaalada Diridhabo, isaga oo ka kacay dhanka dayrkii waynaa ee togga iyo laamiga u dhaxaysa, iyada oo markii dambe lagu guuleystay.

Goobta uu ka kacay dabka oo ahayd Suuqa ayaa markii dambe waxaa ku guuleystay, ciidamada dabdamiska, ganacsatada Suuqa iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas qeyb lixaad ah ka qaatay daminta dabka.

Sidoo kale Waxaana lasheegayaa in dabku khasaare hantiyeed oo xooggan uu gaystay inkasta oo aan lasheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dabka suuqyada ka kaca ayaa ku soo laablaabtay suuqyada magaalooyiinka Soomaaliya, iyada oo ay ku baaba’aan hanti aad u fara badan ayna adkaato damintiisa iyada oo qaadata saacado.