Hoggaamiyaal si weyn loo raadsanayo oo tacsi ugu tagay Sheekh Soomaaliyeed

0
58

Maalmo kahor magaalada Doha ee caasimadda dalka Khatar waxaa ku geeriyooday ilaah ha u naxariistee wiil uu dhalay Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, oo kamid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Teendhada tacsida wiilka uu dhalay Sheekh Cabdirashiid oo ka dhisan Xaafada Masayla ee magaalada Doha waxaa tagay dad badan oo bulshada magac ku leh ay ugu horeeyaan culumaa’udiin, siyaasiyiin, ganacsato iyo dad kale oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Dadka tacsida ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi waxaa kamid ah hoggaamiyaha garabka siyaasada kooxda Xamaas Ismaaciil Haniyah iyo sidoo kale madaxii hore ee siyaasada kooxdaasi Khaalid Mashcal.

Labadan hoggaamiye ee katirsan Xamaas ayaa si gaar ah ugu tacsiyadeeyay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, waxa ayna muddo saacad ku dhawaad ah joogeen teendhada tacsida wiilka Sheekha ay ka socotay.

“Wuu noo yimid goobta loo fadhido tacsida,wuu noo tacsiyeyey gaar ahaan Sheekh Cabdirishiid iyo qoyska oo dhan iyo aniga wuxuu nala joogay saacad ku dhawaad,maqribkii ayuu nala tukaday waaana noo duceeyey” ayuu yiri Cabdixakiin Sheekh Cabdirashiid.

Ismaaciil Haniyah iyo Khaalid Mashcal waxaa si weyn u raadinaya sirdoonka Israa’iil oo wax walbo ku bixinaya dilkooda, haddana waxa ay ku dhiiradeen in ay u tagaan una tacsiyadeeyaan Sheekha Cabdirashiid Caloi Suufi.

Hoggaamiya garabka Siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa la sheegay in uu kamid yahay jamaacadda ku tukada masjid uu imaam ka yahay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, gaar ahaan xilliga Ramadaan uu aad ugu xiran yahay.