Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Kuwait

0
673

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Amiirka Kuwait

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan dalka Kuwait ayaa la kulmay Amiirka dalkaas Sheikh Sabaax Al-axmed Aljaabir Alsabaax, iyagoo ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya labada dal.

Wasiir Cawad ayaa Amiirka Kuwait guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana si gaar ah uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo quseeya gobolka iyo sidii Kuwait ay u sii wadi laheyd gelin laheyd taageerada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulamo gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Kuwait, Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Kuwait, waxaana intaba ka wada hadleen mashaariicda horumarinta ah oo ay Kuwait ka fulineyso Soomaaliya.

Dowladda Kuwait ayaa ka mid ah dowladaha carbeed oo xirirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyadoo kulankan uu si gaar ah u dhiira gelinayo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here