Go’aan hadal-heyn & falcelin badan dhaliyay oo uu qaatay Ninkii Dowladda Sweden ay u fasaxday in uu gubo Towreed & Baybalka!

0
153

Go’aan hadal-heyn & falcelin badan dhaliyay oo uu qaatay Ninkii Dowladda Sweden ay u fasaxday in uu gubo Towreed & Baybalka!

Warbaahinta waxa ay aad u hadal heysaa nin lagu magacaabo Axmed Caluush oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Suuriya kaddib markii uu fasax ka helay Maxkamad ku taalla Sweden oo u ogolaatay in uu gubo Towreed iyo Baybalka.

Markii uu billowday isusoobaxa ee la sugayay in uu dab qabadsiiyo Towreed & Baybalka ayuu lasoo baxay Kitaabka Qur’aanka Kariimka isaga oo sheegay in uusan jecleyn ama qorsheysan in gubista kutubka.

Waxa uu si cad u sheegay in ay xadgudub tahay oo aanay xorriyad ahayn in la gubo Kitaabka qur’aanka kariimka, fariintaan oo uu ku xanuujiyay dadkii sameeyay tallaabadaas ayuu tilmaamay in falkaas aanay ahayn mid wanaagsan.

Axmed ayaa dhimbil kulul ku qabtay Dadkii gubay kitaabka isaga oo sheegay in qofka uu dhaliili karo Muslimiinta balse aanay habbooneen in uu dab qabadsiiyo Kitaabka Qur’aanka Kariimka oo dhibaato weyn laga dhaxlayo.

“Waad dhaleeceyn kartaa Muslimiinta ama Islaamka balse xorriyad ma ahan in aad gudbid Kitaabka Qur’aanka Kariimka, Tani waxa ay jawaab u tahay kuwa gubay Qur’anka ee xorriyadda ku tilmaamay, xaqiiqdii iima qorsheysneen mana qorsheysan in aan gubo Towreed iyo Baybalka” ayuu yiri Axmed Caluush.

Ninkaan 32 jirka ah ayaa fasax u helay in uu gubo Towreed & Baybalka, waxaana indhaha lagu wada hayay sida uu tallaabadaas ugu dhaqaaqi doonno halka afka ay qabsan waayeen madax iyo dhinacyo kala duwan oo soo jeediyay in uu ka fogaado tallaabadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here