Isku dhac ka dhashay weerar Ciidanka Israel ku qaadeen Dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Aqsa oo ka socda bannaanka Masjidkaas.

0
165

Isku dhac ka dhashay weerar Ciidanka Israel ku qaadeen Dad ku cibaadeysanayay Masjidka Al-Aqsa oo ka socda bannaanka Masjidkaas.

Isku dhacyo u dhaxeeya Falastiin & Israel ayaa aroornimadii hore Arbacada maanta ka billawday Masjidka Al-Aqsa kaddib markii Ciidamo katirsan Booliiska Yuhuudda ay weerar ku qaadeen tobanneeyo Muslimiin ah oo ku cibaadeysanayay gudaha Masjidkaas.

Askarta ayaa bud, rasaasta dheemiska ah ee cinjirka ah iyo midda caadiga ah isugu daray dad ka kacdoomay tallaabada Ciidanka Israel ay ku beegsadeen dadkaan Muslimiinta ah ee ku cibaadeysanayay Gudaha Masjidka.

Sarkaal katirsan Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in 7- qof oo Falastiiniyiiin ah oo dhaawacyo kasoo gaaray rasaasta ay rideen Ciidanka Israel la geeyay Goobaha Caafimaadka si daryeel ay u helaan, muddo waxaa hortaagnaa ciidankaas si aanay loo qaadin dadka dhaawaca ah.

Ciidamo dheeraad ah oo Booliiska Israel ah ayaa la geeyay daafaha Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa ee ku yaalla Magaalada Qudus, waxaana laga cabsi qabaa in isku dhacyadu ay sii socdaan maadaama falastiiniyiinta ka carootay tallaabada Israel ay isugu tageen goobta.

“Gudaha Masjidka ayaan ku jirnay, kursi ayaan ku fadhiyay oo waxaa aqrinayay Qur’aanka Kariimka maadaama Bil Cibaado aan ku jirno, waxa ay Ciidanka Israel nagu soo tuureen Bam Gacmeed oo laabtayda ku dhacday, neefta ayaa igu dhegtay” ayay tiri Haweeney da’ ah oo kamid ah Dadka gudaha Masjidka Al-Aqsa ay ugu galeen Ciidanka Israel.

Isku dhacyada Falastiin & Israel ayaa kordha Bisha Barakeysan ee Ramadaan & Maalmaha Jimcaha oo ay Ciidanku is hor istaag ku sameeyaan Dadka u badan Dhalinyarada ee raba in ay kusoo cibaadeystaan Masjidka Al-Aqsa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here