Mareykanka Oo Shegay Inuu Suuriya Ku Dilay Hoggaamiye Sare Oo Ka Tirsan Daacish

0
106

Mareykanka Oo Shegay Inuu Suuriya Ku Dilay Hoggaamiye Sare Oo Ka Tirsan Daacish

Mareykanka ayaa fuliyay howlgal milateri oo lagu dilay hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Suuriya Isniintii, sida uu sheeggay taliska dhexe ee Mareykanka ee (CENTCOM), waxaana tani ay noqoneysaa dharbaaxadii ugu dambeysay oo soo gaartay koox mar cabsi ka abuurtay bariga dhexe.

Khalid ‘Aydd Ahmad al-jabouri ayaa mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarrada ISIS ee Yurub, isaga oo casriyeeyay qaab-dhismeedka hoggaanka ISIS, sida lagu lagu yiri bayaanka Mareykanka.

Toddobaadkii hore, wakaaladda wararka ee Tass ayaa sheegtay in Ruushku uu ka mudaaharaadayay isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo ku tilmaamay “falalka daandaansi ah” ee ciidammada qalabka sida ee Maraykanku ka wadaan Suuriya.

Ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarkan, sida uu sheegay taliska CENTCOM waxayna intaas ku dartay in kooxdu “ay sii waddo inay matasho khatarta gobolka iyo meelo ka baxsan”.

Reuters.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here