RW Xamsa: “Shacabka Degen Goobihii Waxbarashada ee Dalka waxa aan ka codsaneynaa in ay banneeyaan si Ardayda wax loogu baro”.

0
235

RW Xamsa: “Shacabka Degen Goobihii Waxbarashada ee Dalka waxa aan ka codsaneynaa in ay banneeyaan si Ardayda wax loogu baro”.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah furay imtixaanka shaqaaleysiinta 3,000 (Saddex Kun) oo macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka.

Imtixaanka waxaa u fadhiistay 8,000 (Siddeed kun) oo Macallin oo laga dhex xuli doonno saddexda kun ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ay u baahan tahay, waxaana ay ku galeen 22 goob oo ku yaalla 11 Magaalo oo kala ah Muqdisho & Dowlad-Goboleedyada.

Wasiirka 1aad ee XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa arrintan ku tilmaamay dedaal xooggan oo ay sameysay Wasaaradda Waxbarashada XFS si sare loogu qaado tayada waxbarasho ee Ardayda Soomaaliyeed oo ah Mustaqbalka Dalka.

“Waa lagama-maarmaan in Dowladdu adeeg siiso Shacabkeeda, Dowladdu waxa ay qaaddaa Canshuur, Canshuurtaas dadku waa in ay ku noqotaa iyada oo adeeg ah, Adeeg Amni, adeeg Waxbarasho & Adeeg Caafimaad, tani waa adeegga Waxbarashada oo aan billownay ilaahey idinkiis oo ku socon doonta Arday Soomaaliyeed oo Waxbaraneysa si ay awood u yeeshaan” RW Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in lala xisaabtami doonno Macallimiinta si ay u bixiyaan adeeg ku habboon ubadka Soomaaliyeed si ay u helaan Waxbarasho tayo leh oo u dhiganta canshuurta waalidkood laga qaaday.

“Waa maalin ku cusub Ummadda Soomaaliyeed in 3 kun oo macallin la qaadanayo si caddaalad ah, maanta waxaa Imtixaanka galeysa 8 kun oo Macallin oo qof weliba uu rabo in uu kamid noqdo saddexda kun, 22 goobood ayay imtixaanka ku galayaan oo 11 Magaalo ah, Waxaana la siin doonnaa mushaar mas’uuliyad ka fuuleysa oo ah in laga bixinayo Canshuur laga soo qaaday Hooyo Soomaaliyeed ee bannaanka la fadhiso Yaanyada & dhowrka xabbo ee Muuska ah” ayaa hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaarahe Xamsa Cabdi Barre ayaa Shacabka degen Goobaha Waxbarasho ee hoostaga Wasaaradda Waxbarashada XFS in ay ka baxaan si Ardayda Soomaaliyeed ay wax ugu dhigtaan Dowladdanna u kafaalo qaaddo helista tacliinta ay u baahan yihiin.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ka rabnaa maadaama aan billawnay in aan dib usoo nooleyno Waxbarashadii oo ay ka billaabatay in 3 kun oo macallin la qaato oo ay u baahan yihiin macalimiintaas Dugsiyadii ay wax ku dhigi lahaayeen ee Ubadka Soomaaliyeed wax ku bari lahaayeen” RW Xamsa Cabdi Barre.

“Deegaannada la degen yahay ee asalkooda ay lahaayeen Hay’adaha Waxbarashadu waxa aan codsaneynaa meel kasta oo waddanka la joogo Caasimadda ha ahaato ama Dowlad-Goboleedyadu ha ahaato waxaa dadka Soomaaliyeed laga codsanayaa in ay banneeyaan oo ay fursad siiyaan Ubadka Soomaaliyeed, Goobihii & deegaannadu ay lahayd Wasaaradda Waxbarashada in laga baxo oo la banneeyo si loo dayactiro, si loo dhiso, Si Ubadkeennu wax ugu bartaan, in qoysas muddo degenaa ee aan dhul iyo guryo kale toona lahayn in laga bixiyaa waa ay xannuun badan tahay waxaase kasii xannuun badan kii loogu talagalay in uu wax ku barto uu bannaanka ku ciyaarayo, waxbarasho haysan taasaa kasii xun” RW Xamsa Cabdi Barre ayaa sidaasi yiri.

Wasaaradda Waxbarashada XFS ayaa shaacisay in ay qaadaneyso 3,000 (Saddex kun) oo Macallin si ay qayb uga noqdaan dib u xoojinta Waxbarashada Soomaaliya maadaama kaalinta Wasaaradda ay gacanta ku hayeen Ururro & Hay’ado gaar ah oo heerar kala duwan soo gaarsiiyay Waxbashada si aanay meesha uga bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here