Dowladda Ruushka oo Damaanad-qaad dhinaca Amniga siisay Madaxweyne Joi Biden oo…

0
194

Dowladda Ruushka oo Damaanad-qaad dhinaca Amniga siisay Madaxweyne Joi Biden oo…

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa safar aan horey loo sii shaacin ku tagay saacado kooban magaalada Kyiv ee caasimadda dalka Ukraine, waxa uuna halkaasi kula kulmay madaxweynaha Ukraine iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay la socdeen safarka madaxweynaha Mareykanka ku tagay magaalada Kyiv, Ruushka ayaana sheegay in Joe Biden ay siiyeen damaanad-qaad dhinaca ammaanka ah.

Ku-xigeenka guddoomiyaha golaha ammaanka ee dalka Raashiya, Dimitry Medvedev ayaa sheegay in ay hayeen xogta safarka madaxweynaha Mareykanka ku tagay Ukraine, waxa uuna xusay in ay siiyeen damaanad-qaad dhinaca ammaanka ah.

Qoraal uu Dmitry Medvedev soo dhigay bartiisa Telegram si cad uguma sheegin cidda Biden siisay ballan-qaadkaasi, balse waxa uu tilmaamay inuu Joe Biden ugu dambayntii tegay magaalladda Kyiv.

Dimitry Medvedev ayaa dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee reer Galbeedka ku eedeeyay in Ukraine siinayaan hub iyo lacago badan, waxa uu sidoo kale xusay in ay u fasaxeen warshado hubka sameeya taas oo halis abuuri karta mustqablka.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in Ruushka la socodsiiyeen socdaalka Madaxweyne Biden ku tagayay Ukraine, waxa ayna u sheegeen in ay hakiyaan duqeymaha ay Kyiv ku garaacaan si aysan waxyeelo usoo gaarin Joe Biden iyo xubnaha la socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here