Booliiska kenya ee Rabshadaha kahortaga oo feejignaan loo geliyay natiijada laga sugayo Maxkamadda sare ee Dalkaas.

0
372

Booliiska kenya ee Rabshadaha kahortaga oo feejignaan loo geliyay natiijada laga sugayo Maxkamadda sare ee Dalkaas.

Dowladda kenya ayaa feejignaan gelisay Booliiska gaarka ugu tababaran kahortagga rabshadaha si ay ula falgalaan natiijada buuqa ka dhalan kara natiijada laga sugayo Maxkamadda sare ee Kenya ee la xiriirta Doorashadii ka dhacay dalkaas 9kii August 2022.

Saraakiil katirsan Dowladda kenya oo ka gaabsan adeegsiga magacyadooda & derajooda ayaa sheegay in Ciidamada oo ka madaxbannaan dhinacyada isku haya siyaasadda in ay gudanayaan waajibka ka saaran kahortagga rabshadaha.

Waxa ay u badan tahay in maalinta Isniinta ah oo 5ta September 2022 in Maxkamadda sare ee kenya soo gudbiso go’aankeeda la xiriira dacwadda doorashada dhacday 9kii August 2022 iyo doodda labada dhinac dhexmartay 2dii September 2022.

Magaalooyinka waaweyn ee Kenya waxaa heegan la geliyay Ciidamada Booliiska ee u tababaran kahortagga rabshadaha si ay u xakameeyaan taageerayaasha labada musharrax ee u tartantay xilka Madaxweynaha Kenya ee dhinac weliba guusha isasiisnaya.

Kenya waxaa sooyaalka u galay khilaaf ka dhashay natiijada Doorashada, isku dhacyadii ugu dambeeyay ee dalkaas ka dhacay ee Doorashooyinka ka dhashay waxaa lagu xaliyay in si hoose loo qanciyo musharrixii cabashada qabay ee laga guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here