Xukuumadda Abiy Ahmed oo sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadalka Tigray.

0
375

Xukuumadda Abiy Ahmed oo sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadalka Tigray.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadal ay la gasho Xoogagga Tigray oo dagaal kala dhaxeeyo tan & November 2020 kaddib markii ay isku qabteen doorashada guud ee Dalkaas.

Sarkaal katirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal meel weliba lagu qabto si loosoo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee u dhaxeysa Ciidamada Federaalka iyo kuwa Ismaamulka Tigray.

Waxa uu intaas ku daray in la joogo waqtigii dhinacyadaan ay kawada xaajoon lahaayeen sidii wadahadal loogu soo afjari lahaa iyada oo la eegayo xaaladaha adag ee ka jira Dalka Itoobiya ee laga dhaxlay dagaalka labada dhinac.

Sarkaalkaan ayaa meesha ka saaray in shuruud adag oo caqabad ku noqon karta ka gungaarista wada-xaajoodka ay wataan balse uu si cad uu u sheegayo in meel weliba oo lagu wada hadlayo ay diyaar u yihiin in ay tagaan & waqti kasta oo loo go’aamiyo.

La taliyaha dhanka Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa tilmaamay in dhabbaha wadahadalka lagu soo afjarayo xiisadda labada dhinac uu shukaanta u hayo Ururka Midowga Afrika isla markaana codsan kara wixii taageero ah uu u baahdo.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka & kuwa Tigray oo ay ka qayb qaateen Askar Eretariyaan ah waxaa ka dhashay Khasaarihii ugu badnaa ee dhimasho, dhaawac & burbur ee Itoobiya ka dhacay abid sida ay sheegeen saraakiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here