Kulayl Aan Noociisa Horay Loo Arag Oo Ku Dhuftay Qaybo Ka Mid Ah Qaaramada Yurub

0
307

Kulayl Aan Noociisa Horay Loo Arag Oo Ku Dhuftay Qaybo Ka Mid Ah Qaaramada Yurub

Heer-kul sii kordhaya ayaa kusii baahaya qaybo ka tirsan qaaradda Yurub, oo kasoo kabanaysay kulaylkii ugu darnaa xagaagii ugu dambeeyay.

Abaaraha iyo kaymaha oo gubanaya ayaa sababay kulayl ku dhuftay dalalka Spain iyo Portugal, waxaana uu kusii baahay Ingiriiska iyo Fransiiska.

Heer-kulka ayaa la filayaa in uu ka sare maro halka uu haatan taagan yahay dalalka Fransiiska iyo Spain, saraakiishuna waxay hakiyeen bandhigyada dhaqanka ee dabka si loo yareeyo khatarta.

Heer-kulka labadaas dal ayaa la filayaa in uu sare u kaco maalinta Khamiista ah, waxayna mas’uuliyiintu baajiyeen ciyaaro-dhaqameedka maalinta qaranka Faransiiska si loo yareeyo halista dabka.

Kuleylka ayaa noqday mid soo noqnoqda, isla markaana daba dheeraaday. Waxaa loo sababaynayaa isbeddelka cimilada. Heer-kulka dunida ayaa horayba sare ugu kacay ilaa 1.1C tan iyo markii ay billowdeen warshadaha.

Kulaylka daran ee ka jira waqooyiga Spain
Sida uu sheegay machadka saadaasha hawada ee IPMA, 80 boqolkiiba waxaa halis ku jira dhulweynaha Portugal, taas oo aan horay loo arag.

Dowladdu waxay gelisay guud ahaan dalkaas – “xaalad feejignaan ah” ilaa Jimcaha iyo heerka labaad ee seddexda heer ee ugu sareysa ee digniinta.

Taas waxay keentay in booliska iyo ciidamada kale heegan la geliyo iyo in la fasaxo dhaqaale si loo shaqaaleysiiyo dab-damis badan.

Talaadadii 30 meel ayuu dab ka kacay, saddex ayaan la xakameyn. Howlgallada dab-daminta waxaa ku jiray 849 shaqaale ah.

Dhowr dab oo waaweyn oo goobo kala duwan ka kacay toddobaadkan ayaa hadda la damiyay, inkastoo aan laga gaarin ka hor inta aysan cagta marin kumannaan hektar oo kayn ah.

Hase yeeshee, cabsi waxaa jirta laga qabo in xaaladda ay si tartiib tartiib ah uga sii darto ilaa maalinta Khamiista ah.

Sida ay sheegtay waaxda saadaasha hawada waxaa la filayaa in maalmaha soo aaddan uu heer-kulku gaaro ilaa 47C.

Kulaylka ayaa durba saameeyay dalxiiska dalkaas, xitaa goobo aanu weli dabku ka kicin. Meelaha ugu badan ee ay dalxiiseyaashu booqdaan ee Sintra, oo u dhow Lisbon, iyo goobaha soo-jiidashada leh oo lagu xiray amar ay dowladdu bixisay.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in la joojiyo dabaaldegga lagu wado in la qabto Khamiista ilaa Sabtiga, kaas oo ka dhici lahaa xeebta Meco, ee Sesimbra, iyo tartanka mootooyinka Algarve oo ah midka ugu weyn Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here