Midowga Yurub Oo Wada Qorshe Go’aan Uga Gaarayo Shidaalka Laga Soo Dhoofiyo Ruushka

0
395

Midowga Yurub Oo Wada Qorshe Go’aan Uga Gaarayo Shidaalka Laga Soo Dhoofiyo Ruushka

Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa soo jeedisay in gebi ahaanba la mamnuuco shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee cunaqabateynta ka dhanka ah xukuumadda Moscow.

Waxay Baarlamaanka Yurub u sheegtay in shidaalka ceyriinka ah iyo kan la sifeeyay ee Ruushka meesha laga saari doono meeshii lagu gaaro dhammaadka sanadkan.

Shiinaha ayaa ah macmiilka ugu weyn ee Ruushka – Balse waxa ay taasi ka dhigan tahay kaliya shan meelood meel marka la eego shidaalka laga dhoofiyo Ruushka.

Waxaa jira warbixino sheegaya inay jiraan ganacsato ka timid Hindiya iyo Shiinaha oo jabiyay saliidda Ruushka ee la dhimay – laakiin xitaa taasi ma xiri doonto hoos u dhaca iibka.

Dhanka kale, bas siday dad rakaab ah ayaa ku dhacay gaari kuwa shidaalka qaada ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan toddoba iyo toban qof.

Madaxweyne Zelensky ayaa shilka ka dhacay gobolka Rivne ku tilmaamay “shil musiibo ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here