Sidee Ayuu U Dhacay Dilkii Loo Gaystay “Atooraha Badda?

0
387

Sidee Ayuu U Dhacay Dilkii Loo Gaystay “Atooraha Badda?

Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixiyay dhacdadii labo maalin ka hor lagu dilay Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda” oo ka xubin ka ahaa booliska.

Booliska ayaa xaqiijiyay in falkaas uu gaystay askari kale oo ka tirsan booliska, kaasoo uu dagaal dhex maray ninka la dilay.

Tan iyo markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan dhimashada atooraha badda, waxaa la isla dhex marayay in dilkiisa ay fuliyeen dablay ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan, oo maanta shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayaa sheegay “in markii hore shacabka lagu marin habaabiyay sida ay wax u dhaceen.”

Eedeysanaha oo loo yaqaanno Shucayb Leefleefoow, ayay boolisku sheegeen in uu markii hore bixiyay warbixin marin habaabin ah balse uu dib ka sharraxay sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo sii sharraxayay dhaqaalaha sababay khilaafka ayaa yiri: “Sida ku cad warbixinta uu qoray gacan ku dhiiglaha, lacag $60,000 iyo ka badan ah ayaa dhexdooda taallay, taasoo ay isku qabsadeen. Wuxuu sheegay inuu marxuumku ku yiri, ‘shaqadan anigaa bilaabay oo watay ee iga tag adiga’”.

Waxa uu intaas ku daray in markii hore “uu gacan ka hadalka ka billowday toori kaddibna uu ninka la dilay lasoo baxay bastoolad, taasoo ugu dambayn gacantiisa laga faro maroojiyay laguna dilay”.

Waayadii dambe “Atooraha badda Liido” ayaa ku howlanaa shaqooyin dhinaca samafalka ah oo uu ku caawinayay dad danyar ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here