Erdogan oo Sacuudiga ka billaabay kulamo dib loogu soo celinayo xiriirka Ankara & Riyadh.

0
435

Erdogan oo Sacuudiga ka billaabay kulamo dib loogu soo celinayo xiriirka Ankara & Riyadh.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan Sacuudiga ayaa billaabay kulamo dib boorka looga jafayo xiriirka xumaaday 2018kii ee Ankara iyo Riyadh sida ay sheegeen saraakiil katirsan Madaxtooyadiisa.

Xiriirka xumaaday ee Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa sababsaday dilkii Wariye Jamaal Khaashogji ee dhacay 2dii October 2018 kaas oo ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Magaalada Istanbul.

Sacuudiga oo furfurnaan siyaasadeed lasoo baxay ayaa billaabay in uu wadahadal la galo Dowladaha muddada dheer xiriirkooda uu xun yahay sida Turkiga, Iiraan, Qatar iyo xoogagga Mucaaradka Yemen gaar ahaan Kooxda Xuutiga.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cagta-cagta u saaray Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ahna Amiirka Dalkaas Maxamed Bin Salmaan oo si gaar ah loogu eedeeyay in uu bixiyay amarka lagu khaarijiyay Suxufiga inkasta oo uu iska fogeeyay.

Waxaa lagu wadaa in bayaan wadajir ah ay soosaaraan Dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga kaddib wadahadalka socda marka uu soo idlaado sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhaw kulamada labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here